Saturday, December 2, 2023

Yaa leh Guusha Ka qaadista Xayiraada hubka ee Soomaaliya


Sida loo sheego guul la soo hoyey ayaa ka dhigaysa mid qaran ama qof, sababtoo ah waxaan arkaa xubno ka tirsan maamulkii hore oo ku doodaya hawshan haddii aanu innaga ahayn maanta ma dhammaateen


Haddii ay xiligoodii qiri lahaayeen in hawsha hortood la soo bilaabay oo aysan oran lahayn waa markii ugu horreysay, dooddooda maanta macno ayey samayn lahayd, sidaasoo kale ayaa maamulka maanta jirana ku dabaqmaysa. 

Markii uu Rasuulkeena Suuban lahaa (NNKH)“Waxaa la ii soo diray in aan akhlaaqda teeda suuban dhamaystiro” wuxuu qirayey in ay hawli ka horraysay, sababtoo ah ma uusan oran in aan anigu billaabo ee wuxuu yiri in aan dhamaystiro.

Qiyamka Rasuulka iyo dhaqanka Ilbaxa ah waxay isaga mid yihiin qiraalka qoray isku dhiibka hawsha, taasoo guushana ka dhigaysa mid qaran oo uusan qof lahayn ama maamul gooni bilow iyo dhamaad ku koobnayn, iyo in la isku qiro waxqabadka oo aan la qofayn. 

Cunaqabataynta hubka waxaa nala saaray markii ay dawladdu duntay, hubkiina gacanta shacabka galay la iskuna dilay. In nala ka qaado waxay ka dhigan tahay in dawladu muujisay qaangaar, iyo xilqaad masuuliyadeed, lana aaminay balanqaadkeeda ah in ay ka soo baxayso shuruudihii xajinta, xifdinta iyo in hubku uu sharciga u hogaansanaan doono, taasoo Soomaali kala badbaadinaysaa, halisteedana dunida ka badbaadinaysa.

Waxaa: Qoray Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim