Friday, December 8, 2023

UNSOM: Daadadka ka dhacay Soomaaliya waxay burburiyeen 20 saldhig oo ay lahaayeen ATMIS


 Saraakiil sare oo ka socday Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Howlgalka ATMIS ayaa booqasho ku tagay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, si ay u qiimeeyaan saameynta fatahaadaha ay ku yeesheen ciidamada ku sugan jiidaha hore.

Warbixin kasoo baxday xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in daadadka El Nino ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya, ay saameyn ku yeesheen howlgallada ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

UNSOM waxay sheegtay in daadadku ay  harqiyeen ilaa 20 saldhig oo ay leeyihiin ciidanka ATMIS, taas oo saameeyay adeeg bixintooda dhinaca amniga.

Ku-xigeenka Madaxa Adeegga Bixinta ee UNSOS, Michael Dorn, iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka ATMIS ee dhinaca Taageerada iyo Saadka, Maj Gen Peter Muteti, ayaa ku sugnaa Dhoobley, oo qayb ka ah booqasho joogto ah oo ay ku tagayaan qaybaha kala duwan ee ATMIS, si ay u qiimeeyaan xaaladda  dhulka.

“Saldhigyada jiidda hore ee sida ugu badan ay u saameeyeen daadadku, waxay kala yihiin, Sector Four iyo Sector Three iyo ilaa Qaybta Shanaad. Waa Baydhabo, Beledweyne, iyo Jowhar. Waxaa jira dabcan meelo kale oo dalka ka mid ah sida Kismaayo ilaa xad iyo Dhoobleey oo waddooyin iyo garoomo diyaaradeed ay biyo fariistaan. Taasina waa caqabad aad u weyn maadaama aanan u isticmaali karin wadada saadka,” ayuu yiri Dorn.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim