Ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey Naftii halige isku soo xiray Qarax
Ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey Naftii halige isku soo xiray Qarax kaas oo doonayay inuu isku Qarxiyo goob dadweyne oo ku taala degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir.
Ciidanka ammaanka oo si wayn uga foojigan dhagarta Khawaarijta nafla caariga ah ayaa fahmay Dhagar qabaha lagu soo xiray Qarxa, waxaana suurta gashay inuu kaligiis Qarxo iyadoo ay ceyrsanayaan ciidanka ammaanku.
Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa Warbaahinta u sheegay inuu dhaawac fudud soo gaaray kaliya hal askari oo ka mid ahaa askartii fahmay in dhagar qabahaan uu ku xiran yahay qarax.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim