![]() |
Dad sida caruur ka tirsana qoyska Al-Satra oo lagu aasay degaanka Khan Younis ee ka tirsan Qasa talaadadii |
Wasaarada Caafimaad ee Qasa ayaa daabacday magacyada 6,747 qof oo ay Yuhuudu ku disha qasa, liiskan ayaa la daabacay kadib waydiinti joe Biden ee aqal cad looga waydiiyay tirada falastiiniyiinta lagu dilay wareerada Israel ee falastiiniyiinta isaga oo sheegay in aana lagu kalsoonaan karin tirada dhimasha ee falastiiniyiinta .
Liiska ayaa ka kooban Magacyada, da'da, lambarka aqoonsiga, iyo jinsiga, waxaana kamid ah liiska 2,665 caruur ah. sido kale wasaarda caafimaadku waxa ay sheegtay in aysan liiska ku darin 281 qof oo aan la aqoon haybtooda madaama aan la aqoonsan karin muuqaalkooda dhaawacyada soo gaaray awgood taas oo tirada guud ka dhigaysa 7,028 qof.
![]() |
Aqoonsiga qof ay dishay Israel, isbitaalka at Shohadaa Al-Aqsa ee bartama Qasa. |
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim