Monday, January 23, 2023

Garaad Jaamac Oo 15 Sano Kadib Maanta Tagay Magaalada Laascaanood

 

Garaadka guud ee Gobollada Sool, iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa 15 sano kadib maanta dib ugu laabtay magaalada Laascaanood. 

Garaadka waxaa afaafka hore ee magaalda kumanaan shacab ah kuwaas wata calanka Soomaaliya. 

Garaad Jaamac ayaa ka qayb-galaya Shirka Aaya-ka-tashiga beelaha SSC oo la filayo in uu Todobaadkan ka furmo Laascaanood. 

Garaadka ayay Laascaanood ugu danbaysay 23 October 2007 oo ku beegan 8 cisho kadib markii Somaliland qabsatay Laascaanood 15-kii October ee sannadkaas.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim