Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta Baarlamaanka ka hor akhriyay sharciga Shaqaalaha Rayidka oo wax ka bedel lagu sameeyay.
Warfaa, ayaa xaqiijiyay sharcigan oo laf-dhabar u ah dedaalada socda in wax ka bedelka lagu sameeyay uu sahlayo in la helo shaqaale xirfad leh, isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka.
Wasiirka ayaa caddeeyay sababaha keennay in is bedel lagu sameeyo sharciga Shaqaalaha Rayidka , waxaa uu qodobka koowaad ku sheegay ; dalka oo isku bedelay Federaal, sharcigii hore ma uusan qeexeyn qiimeynta booska uu qofka ka shaqeynayo, halka wax ka beddelkan ee sharciga uu u gogol xaarayo hab gaar ah oo lagu maamullo.
"Sharciga cusub wuxuu ahmiyad siinaya khayraadka aadamiga ah ." ayuu ku daray.
Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa Xildhibaannada ka codsaday in ay meel mariyaan sharcigaan ka dib marka ay waajibkooda ka gutaan.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim