Wasaarradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya
ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ay soo saarto go’aamo kale oo la xiriira siyaasaddeeda Arrimaha dibadda kaddib fariimo loo diray bahda Warbaahinta dalka oo lagu war-galiyay in ay yimaadaan xarunta Wasaarradda
Go’aankii u dambeeyay ee wasaaradu qaadatay ayaa xiriirka loogu jaray dalka Jamhuuriyada Gini, go’aankaa ayaa siweyn loogu dhaliilay dowladda, iyadoo siyaasiyiinta qaarna ay sheegeen in markii horeba uusan jirin xiriir Diblomaasiyadeed oo ka dhaxeeya labada wadan, sidaa daraadeed uu waxba kama jiraan yahay warka ka soo baxay Wasaarradda.
Dadka sida weyn u dhiilala siyaasadda Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegaya in aysan laheyn jiho loo raaco, iyadoo marar badan oo hore Wasaarraddu qaadatay go’aamo iska horimanaya.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim