Thursday, April 5, 2018

Shirkadda Google oo lagu eedeeyay in ay dagaalada ka caawiso Maraykanka


Kumannaan ka tirsan shaqaalaha shirkadda Google ayaa saxiixay warqad furan oo ay ku dalbanayaan in shirkadda ay joojiso wadashaqaynta ay la leedahay militariga Mareykanka.

Barnaamijka Maven waxa uu ku saabsanyahay aaladaha caaqilka ah ee gacan ka geysan kara in diyaaraha aan duuliyaha lahayn ay duqeyn karaan meelaha saxda ah ee bartilmaameedku yahay
Shaqaalaha ayaa ka cabsi qaba in ku lug lahaanshiyaha shirkadda Google "ay dhaawacayso sumcadda shirkadda.
"Waxa aan rumaysanahay in Google aysan dagaalada ku lug yeelan," ayaa lagu yiri waraqadan oo loo diray madaxa shirkadda Google Sundar Pichai.
"Sidaasi daraadeed waxa aan codsanaynaa in mashruucani Maven la baajiyo oo meesha laga saaro, islamarkana loo hogaansamaa nidaamka oo qeexaya in shirkadda Google ama qandaraaslayaasha aysan dhisin Tiknoolajiyad dagaal." Ayaa sidoo kale warqadan lagu xusay.

Ma doonayno Mashaariic Militari

Warqadan oo ay saxiixeen 3,100 shaqaala ah ayaa waxaa dadka saxiixay ka mid ah "tiro Injineero sarsare ah ", sida uu qoray wargayska New York Times.
Wargayska ayaa sheegay in shaqaalaha ay mar hore walaacooda muujiyeen oo ay ku wargaliyeen maamulayaasha sarsare.
Shirkadda Google ayaa waxaa u shaqeeya guud ahaan caalamka in ka badan 88,000 oo ku kala sugan daafaha caalamka.
Madaxa ganacsiga dhanka hawada ee shirkadda Google oo ka jawaabayay walaacan ayaa u xaqiijiyay shaqaalaha in Tiknoolajiyada aan loo isticmaali doonin hub ama aan loo isticmaali doonin howlaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Hasa yeeshee shaqaalaha saxiixay warqadan ayaa dareensan in shirkaddan dhanka Internetka ay halis galinayso kalsoonida dadka isticmaala ayna iska indho tireyso"masuuliyada dhanka anshaxa ".
"Iskama indho tiri karno masuuliyadeena dhanka anshaxa ee Tiknoolajiyadeena,"ayaa qoraalka lagu yiri.
"Dhisidda Tiknoolajiyadani si loogu caawiyo Militariga Mareykanka waa mid ana la aqbali Karin." Ayaa intaa lagu daray.
Shirkadda Google ayaa xaqiijisay in gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagonka ay u ogolaadeen in ay isticmaalaan qaar ka mid ah Tiknoolajiyadeeda lagu arki karo sawirka taasi oo qayb ka ahayd mashruuc militari.
Arrintan ayaa soo baxday markii ugu horreysay ka dib baaritaan ay sameysay barta wax ka qorta Tiknoolajiyada tech news bishii March.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim