Waxaa duhurnimadii maanta oo Khamiis ah ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ra'iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu.
Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Turkiga Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga ayaa booqanaya saldhiga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.
Sidoo kale ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa inta uu ku sugan magaalada Muqdisho la kulmi doona madaxda dowladda Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim