Wednesday, February 21, 2018

Hay'adda IOM ee QM oo gargaar caafimaad ugu deeqday Soomaaliya


Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ee IOM oo kaashaneysa Hay’adaha cunnada ayaa sahay caafimaad oo gaareysa Sideed Tan waxa ay ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed.

Waxa ay sheegtay Hay’adda gargaarkan bixisay in loogu tala galay dadka ku nool Somaliland, Puntland, Jubbada Hoose, Gedo iyo gobolka Banaadir.
Sahayda ayaa isla markiiba loo diri doonaa xarumaha IOM ee rugta caafimaad iyo kuwa guurguura, si loo kordhiyo helitaanka degaanka ee adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah.
IOM ayaa sheegtay degaanada ay gargaarkan gaarsiineyso in ay ka jiraan xaalado adag oo dhanka nolosha ah, iyada oo tilmaamtay in ay ka dilaaceen cuduro ay ka mid yihiin Shuban Biyood Ba’an, Daacuun iyo Jadeeco.
Sanadkii tagay 2017, IOM waxay daryeel caafimaad oo aasaasi ah siisay 470,000 oo qof, waxayna qeexday sanadkan in ay kordhineyso howlaha bani’aadanimo ee la xiriira shacabka Soomaaliyeed.
Madaxa IOM ee Soomaaliya Dyane Epstein ayaa yiri:- “Horumarinta helitaanka sahay caafimaad ayaan bixinay, si deg deg wax looga qabto saameynta dhibaatada hadda jirta, loona bad baadiyo shacab badan.”

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim