Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay amar ku bixisay in la soo xiro dadka gnacsadda gargaarka loogu tala galay dadka dhibaateysan iyo barakacayaasha.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in saraakiishooda sare sare ee Wasaaradda Caafimaadka ay soo xaqiijiyeen in suuqyada Muqdisho lagu iibiyo cunnooyinka qaaska ee samafalka loo keenay oo loogu talagalay carruurta iyo dadka kale ee ay nafaqa daradu heyso.
Wark kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu amaray taliska ciidanka Booliska in ay soo qabtaan shaqsiyaadka caadeystay in ay iibiyaan cuntooyinka samafalka ah ee aan iibka loo keenin dalka.
Qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa horay walaac kaga muujiyay in gargaarka loogu tala galay dadka Shacabka ee dhiban lagu iibiyo Suuqyadda.
Hiiraan Online
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim