Sunday, February 18, 2018

Carwada Bandhiga Cuntada oo si rasmi ah uga furantay magaalada Dubai + Sawiro


Carwada bandhiga raashiinka ee loo yaqaano GULFOOD EXPO oo sannadkiiba mar la qabto ayaa si rasmi ah uga furantay xarunta Dubai World Trade Centre ee magaalada Dubai.

Bandhigaan oo socondoona 18ka ilaa iyo 22ka bishan ayaa waxaa furay wasiirka ganacsiga ee dalka Imaaraadka Sheikh Hamdan Bin Rashid Al Makhtoum
Shan Kun (5000) oo sharikadood oo kala yimid dacalada adduunka oo dhan ayaa ka soo qayb-galay carwadaan. Waxayna halkaas ku soo bandhigeen cuntooyin kala duwan iyo cabitaan.
Wadamada si aadka uga muuqday Carwada ayaa waxaa ka mid ahaa dalalka Turkiga iyo India oo runtii cuntooyin aad u kala duwan halkaas ku soo bandhigay.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa Carwadan uga soo qayb-galay 40 Sharikadood oo halkaas ku soo bandhiga badeecada sida weyn caanka ugu ah dalka Soomaaliya sida Mooska, Liinta, Sisinta, Qumbaha iyo Cuntooyin kale.
Hay’adda GEEL oo ay maal galisay dowladda Mareykanka ayaa fududeysay in ay ganacsatada Soomaaliyeed halkan ku soo bandhigaan ay wax soo saar-kooda.
Ms. Charlee Doom oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda USAID kana mid ah madaxda sare ee GEEL ayaa HOL sheegtay in ujeedada GEEL ay tahay in ay ka kaalmeeyaan beeraleyda Soomaaliyeed sidii ay u korhin lahaayeen wax-soo Saarka beeraha ka dibna loogu heli lahaa suuq ay u iib-geeyaan.
Ganacsantadan oo ay Hiiraan Online si gaar u wareysatay ayaa aad ugu faraxsanaa in ay fursad u helaan in ay suuq-geeyaan wax soo saarka sida weyn uga baxa dalka Soomaaliya.
Khadra Cabdullahi oo ka ganacsato Qumbaha ayaa sheegtay in ay Suuq fiican u heshay Saliidda qumbaha ayada dalab ka heshay ganacsato xiis gaar ah u qabo qumbaha dalka Soomaaliya. Xirsiyo Jiiqleey oo ka ganacsato Mooska ayaa sidoo kale dalab ka heshay ganacsato rabo in iibsadaan mooska dalka Soomaaliya.
Ganacsade Khadar ayaa cabasho ka muujiyay soo dhoofinta Liinta. Wuxuuna dowladda ugu baaqay in ay si gaar ah u fiiriyaan qaabka loo maamulo dhoofinta Liinta
Carwadan oo xiiso gaar ah leh ayaa lagu wadaa in ay sii socto maalmihii inagu soo foolka leh magaalada Dubai ee dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.










Hiiraan Online

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim