Saturday, February 17, 2018

Al-shabaab oo toogasho ka fuliyay gobolka Hiiraan


 Wararka ka imanaya deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya goor dhaw Al-shabaab toogasho ku fuliyeen qof ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Goobjogayaal ayaa sheegay in Ninkan oo lagu magacaabi jiray Sahal Axmed Rasle  ku toogteen meel fagaare ah.
Boqolaal dadka ku dhaqan deegaanka Buq-Aqable ayaa isugu soo baxay fagaaraha lagu fuliyay toogashada.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab fuliyaan Xukuno noocan oo kale ah balse tiro dhowr jeer ayaa waxa ay deegaano badan oo dalka ah ay ka fuliyeen Xukuno kala duwan.

Hiiraan Online

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim