Tuesday, January 16, 2018

Maydadka 7 Tahriibe oo laga helay xeebaha Spain

Maydka shantan nin ayaa waxa laga dhex helay dooni


Lahaanshaha sawirka

7 qof oo Tahriibayaal Afrikan ah ayaa ku dhintay Jasiirada Lanzarote, Canary iyaga oo isku dayaya in ay gaaraan dalka Spain,sida ay booliiska dalkaasi sheegeen.

Shan nin ayaa maydkooda laga dhex helay dooni meel xeeb ah.
Booliiska ayaa waxay sheegeen in laba nin oo kale oo ay u suuragashay in ay doonidaasi ka baxaan ay dhinteen ka dib markii ay isku dayeen in ay u soo dabaashaan dhanka xeebta Teguise.
Sida ay sheegtay xukuumadda Spain muhaajiriintan ayaa asal ahaan ka soo jeeday wuqooyiga Afrika.
18 ka mid ah muhaajiriintani oo ka badbaaday doonidan ayaa imika lagu dawaynayaa isbataalada dalkaasi.
Waxa sababay dhimashada shanta qof ee doonida laga dhex helay maydkooda ayaan wali caddayn ,balse booliiska ayaa waxa ay sheegeen in lag yaabo in ay biyaha ku qaraqmeen.
Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebha Spain ayaa u sheegay wakaladda wararka ee AFP in saddex ka mid dadka dhintay laga yaabo in ay caruur yihiin.
Lanzarote ayaa qayb ka ah jasiirada Canary waxa ayna xeebaha dalka Morocco u jirtaa 81 Mayl.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim