Cabdi qani Saciid carab |
Cabdi qani Saciid carab oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii ka soo baxay Wasaaradaha maamul goboleedyada oo ku aadanaa in Xiriirka lagu Saleeyo hab qaybsiga Faderaalka oo ay ku dhisantahay Dowlada Soomaaliya.
Wasiirada ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa horay u sheegay in wax wada shaqeyn ah aysan dhex mari doonin xiriirka kubadda cagta, inta laga dhisayo xiriir ay iyagu qeyb ka yihiin sida ku cadeed war saxaafadeedkooda.
“Xiriirka kubadda cagta waxa uu la shaqeeyaa heyhadaha kubadda cagta, hadey noqon laheyd mid qaran iyo mid goboleed, anagu siyaasad shaqo kuma lihin ayuu yiri Cabdi qani Saciid Carab.
“Wada shaqeynta aan la lahaan karno Wasaaradaha maamul goboleedyada ayaa iska yar waayo iyaga waxa ay ka shaqeeyaan inta badan siyaasad, wasaaradahaas waxa ay wada shaqeyn la leeyihiin Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga dalka, xiriirkana waxa uu la shaqeenayaa xiriirada kubadda cagta ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi qani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.
Sikastaba horay ayee aheyd markii Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dalka Marwo Qadiijo ay sheegtay in madaxda qaranka hoggaamisa ay diideen in la siyaasadeeyo dhalinyarada iyo Isboortiga,waxaana hadalka Cabdi Qani Saciid Carab uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan Wasaaradaha maamul goboleedyada ay sheegeen in Xiriirka lagu Saleeyo hab qaybsiga Faderaalka oo ay ku dhisantahay dowlada Soomaaliya.
Source Goolfm
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim