Laba iyo toban ayaa ku dhimatay Weerarro mataano ah oo lagu qaaday baarlamaanka Iiraan iyo qabriga aasaasihii Iiraan ee Khomeini oo ku yaalla caasimadda Tehran.
Weerarka baarlamaanka ka dhacay ayaa la sheegay in la soo gabagabeeyay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dad afduub loogu haystay gudaha baarlamaanka.
Qof is qarxiyay ayaa la sheegay inuu ku dhintay weerarka ka dhacay dhismaha uuku yaalla qabriga.
Sawirkan oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Fars News ayaa muujinaya qarax ka dhacay dibedda dhismaha qabriga |
Kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo haddii la xaqiijiyo noqon doono weerarkii ugu horreeyay oo kooxdu ay ku qaaddo Iiraan.
Kooxda ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay ku sheegtay inay soo duubeen dagaalamayaasheeda oo ku jiray gudaha baarlamaanka.
Wakaaladda wararka ee Iiraan ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday uu is qarxiyay mid kalana ay xoogagga ammaanka dileen.
Dhowr qof oo booqnayay qabuuraha oo ah goobo macbad ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.
halkan ka daawo video.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim