Tuesday, January 10, 2017

Madaxweynaha galmudug oo kalsoonida lagala laabtay.



C/kariin Xuseen Guuled

Xildhibaanada Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen Cadaado waxay u codeeyeen in ay kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuled.


54-Xildhibaan ayaa madashan soo xaadirtay iyadoo ay mooshinka ogolaaden 54ta xildhibaanba, mana jirin wax xildhibaan ah oo ka aamusay ama kasoo horjeesta mooshinkan.

Waxaa iyana xusid mudan in madaxda Galmudug ay kulankaan baarlamaanka u arkaan mid sharci daro ah oo baarlamaanku uu ku jiro fasax.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa kulankaasi ka maqnaa waxaana jira muran xoogan oo arintaasi ka taagan
.Shirka ay kal soonida kala laabteen Xildhibaanada Madaxweynaha Galmudug Waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim