Friday, May 17, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo booqasho ku tagay magaalada Carta

 



Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu waheliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Carta ee dalka Jabuuti halkaas oo uu ka socdo dhismaha matxafka weyn. 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa waxaa magaalada Carta si diiran ugu soo dhaweeyay shacabka iyo masuuliyiinta magaalada Carta. 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Magaalada Carta ee dalka Jabuuti ay qiimo weyn ugu fadhido shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusey in halgankii dib u dhiska Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya ay martigalisay, wuxuuna tilmaamay inuu soo booqdo ay farxad gooni ah u leedahay, waxaana shacabka magaalada Carta ugu mahadceliyay sida sharafta badan ee ay usoo dhaweeyeen.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim