Thursday, December 7, 2023

Dawladda Puntland oo sharci darro ku tilmaamtay go'aanka baarlamaanku muddo kororsiga ku sameystay

 

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in wax sii socon kara uusan ahayn go’aankii ay shalay ku dhawaaqeen baarlamaanka Puntland, kuwaas oo muddo kordhin sanad ah sameystay.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in go’ankaasi uu yahay mid sharci darro ah oo laga naxo in dadka shacabka ah dhegahooda uu gaaro, wuxuuna sheegay in baarlamaanku uusan awood u lahayn inuu isbaaro u dhigto dowladnimada.

Wasiirku wuxuu tilmaamay inuu madaxweynuhu horey u diiday go’aanka ay soo saareen isimmada dhaqanka SSC- Khaatumo, isagoo sheegay in odayaasha dhaqanku aysan awood u lahayn inay gaaraan go’aamo siyaasadeed.

“Isimmada iyo raggii kaloo siyaasiyiintu ku jireen waxay dhaheen, “madaxweyne waxaan rabnaa inaan noo dhiibtid xasaanadda ama noo qoor dhiibatid. Madaxweynuhu sida sharciga ah ayuu u sheegay, wuxuuna ku yiri, dowlad intay xasaanaddeeda dhiibto, ma tiraahdo oo ma oran karto dad shacab ah kasoo taliya. Waxaana jira nidaamka dastuuri oo loo maro cabashada. Haddaad masaalix kasoo talinaysaan, oo wax wanaagsan keentaan, waanu idin la arkidoonaa,” ayuu yiri wasiirku oo xiganayay hadalka madaxweynaha.

Ugu dambayn, wasiir Caydiid ayaa sheegay in gebi ahaanba dikreeto Madaxweyne ama go'aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub. 



No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim