Thursday, January 19, 2023

Waa kuma "Warda Xaashi ninkeeda"?

 

Ayaan Kaaba

Waxaa maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada qabsatay maansada Warda Xaashi Ninkeeda, oo ay curisay abwaanad Ayaan Axmed Caydiid (Ayaan Kaaba).

Maansadan oo ka hadleysay dabeecadaha ragga qaar oo ay Ayaan tirisay sanadkii la soo dhaafay, ayaa haatan ka hadalkeeda uu dib usoo cusboonaaday, kaddib markii laga sameeyay hees iyo ruwaayad, sida ay sheegtay Ayaan.

Maansada oo dheereyd ayaa waxaa tuducyadeeda ka mid ah:

Weligeyn nin abwaan ah

Jaceyl maanu wadaagin

Balse wiil cuna qaadka

Xiriir waanu sameynay

Hadduu dookhu wareero

Wax kastuu ku tusaaye

Waanigii bartay maalin

Mid shaxaadka ku waalan

Anigoon waxba haysan

I dhahaaya walaalo

Way xumaatay zaaduye

Waxaad hayso isii bar

Taasi maaha wax weyne

Waanigii arkay doobab

Sida naago war qaada

Weli way socotaaye

Rag waxaa ugu liita

Kan na soo waca late-ka (xilli dambe)

Na weydiiya taswiirta

Waqtigan hadda jooga

Nin wanaagsan la waaye

Waxaan weerar ku qaadi

Ama aan la wadaagi

Warda Xaashi ninkeeda

Falcelinta ka dhalatay

Qeybaha dambe ee maansada, ee ay Ayaan ku leedahay "Warda Xaashi ayaan ninka la qeybsanayaa," ayay dad badan ka soo falceliyeen. Iyadoo dadka qaar ay maanso kale ugu soo jawaabeen.

Ragga qaar ayaa soo matalay Warda Xaashi ninkeeda, halka gabdhaha qaarna ay matalayeen Warda qudheeda. Qaar kale ayaaba la yaabban Ayaan Kaaba iyo hablaha kale ee wada doonaya Warda ninkeeda, maaddaama uu yahay nin reer leh.


Warda

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

warda

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Sidee ayay ku timid maansadan?

Ayaan Kaaba

XIGASHADA SAWIRKA,AYAAN KAABA

Ayaan Kaaba oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay inaysna jirin wax gaar ah oo ay ka sameysay maansadan, balse ay ka ahayd uun maanso kaftan ah oo ay ku tilmaameyso dabeecadaha qaar ee ragga.

"Isma lahayn sidan ayay bulshada dhexdeeda ugu faafi doontaa" ayay tiri Ayaan.

Ayaan oo inta badan maansooyinkeedu ay ku saabsan yihiin arrimaha bulshada, ayaa sheegtay in markii ay ku hal qabsaneysay Warda Xaashi Ninkeeda, uu markaas niyaddeeda ku jiray sifaha nin wanaagsan, oo markaas ay la ahayd inuu xaas leeyahay nin sifahaas leh.

"Warda Xaashi ninkeedu horta waa qof aad u wanaagsan, waa qof dadnimo, dabeecad iyo dad la dhaqanba leh. Intaa waxaa u u raacda, inuu yahay qof deeqsi ah, ka warheyn badan, naxariis badan oo markaad la hadleyso iyo la joogtaba aad xasilooni badan ku dareemeyso. Waa qof aad muxtarim u ah, waa qof ahlu diin ah, waalid jecel, boqollaal jeer kugu soo celcelinaya qiimaha waalidka iyo in loo samofalo.” Ayay tiri Ayaan Kaaba.

Waxaa Qoray: Fatuma Maalim Abukar

Waxaa Lagu daabacay Bogga BBC Somali

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim