Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay ka hadashay weerarada ciidamada Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda Is-gaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in marar badan oo hore dowladda Soomaaliya kala hadleen falalka ciidamada Kenya kula kacayaan xarumaha shirkaddaha Is-gaarsiinta Hormuud ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa si is daba joog ah u soo baxayay eedeymo ka dhan ka ah ciidamada Kenya gaar ahaan qeybta Argagixiso la dagaalanka in ay beegsanayaan xarumaha shirkaddaha Is-gaarsiinta Hormuud ku leedahay Gedo iyo Jubbooyinka iyaga oo dab qabsiiyay xarumo dhowr ah islamarkaana dilay shaqaale ka tirsan shirkadda.
War-saxaafadeedka Rugta Ganacsiga :
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim