Monday, August 20, 2018

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay waqtiga uu furmayo Kalfdhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay in 10-ka bisha September uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha ayaa lagu war-galiyay xildhibaannada in ay ugu dambeyn 5-ta bisha September ay ku soo xaroodaan, kuwooda dalka ka maqan.
“Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Kalfadhigii 3aad ee Golaha Shacabka waxaa ku baxay guddoomiyihii hore Prof Maxamed Cismaan Jawaari kaddib khilaaf soo kala dhax-galay xukuumadda ee Baarlamaanka.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim