Tuesday, August 21, 2018

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo xiray shaqsi sheegtay in uu yahay taliyaha NISA ee Jubbaland


Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay xiray  Daahir Mire Ducaale oo sheegtay in loo magacaabay taliyaha hay’adda Sirdoonka ee Jubbaland.

Warkan ka soo baxay taliska hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in shaqsigan uu watay warqado been abuur ah, islamarkaana ay ciidamada amniga gacanta ku soo dhigeen xabsigana loo taxaabay.
“Shaqsi sheegtay inuu Taliyaha NISA u magacaabay qeybta Jubbaland oo watay warqado been abuur ah ayaa ciidamada amniga caawa fiidkii soo qabtay. ciidamadu waxey u taagan-yihiin ilaalinta kala danbaynta”.ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska NISA.
Shaqsigan ayaa dhawaan sheegtay in loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubbaland, iyadoo dowlad goboleedka Jubbaland ay ka soo celiyeen magaalada Kismaayo.

Source: Hiiraan Online

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim