Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gaarey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, si ay ugu kuur-galaan xaaladda muhaajiriinta Soomaaliya ee ku xiran dalkaasi.
Xubnaha Wafdiga waxaa kamid Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub, Dr Cali Saciid Fiqi, gudoomiyaha Gudiga Qaxootiga iyo Barakaciyaasha Axmed Daahir Cabdikariim iyo mas'uuliyiin kale.
Waxa ku sugan yihiin Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli, iyagoo halkaasi u tagey sidii ay u caawin lahaayeen Soomaalida tahriibka u tagey Libya ee doonaya inay dib ugu soo laabtaan dalka.
Libya hadda kama jirto dowlad awood leh, waxaana ku xoog badan malleeshiyaad iska soo horjeeda, waxaana lagu dhibaateeyaa muwaajiriinta ka tagey Africa inteeda kale ee doonaya inay gaaraan Yurub.
Dhalinyarada Soomaalida ayaa markii ay tagana Libya la kulma xariga iyo Jirdil ay u geestaan Kooxda "Magefe" oo xiriir la leh shabakadaha dadka tahriibiya, waxayna ka qaataan lacago madax furasho ah.
Safaaradda Soomaaliya ee Libya ayaa lagu eedeeyay inay howsheedii qabtey, oo indhaha ka laabatey wax ka qabashada tacadiyada joogtada noqday ee muwaadiniinta Soomaaliya loogu geesto dalkaasi.
Xigasho Garowe Online
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim