Warbixin ay soo saartay hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka marka la eego ugu khatarta badan dhimashada carruurta guud ahaan marka la eego caalamka.
Warbixinta Hay’adda ayaa lagu sheegay in sanad walba ay dhintaan hal malyan oo carruur ah isla marka ay dhashaan dalka Soomaaliyana uu ka mid yahay afarta dal ee ugu dhimashada badan leh caalamka ee ay carruurta sanad walba ku dhintaan.
Afarta dal ee hay’addu ay tilmaamtay ayaa waxaa ka mid ah Pakistan,Jamhuuriyada Afrikada Dhexe (CAR),Afghanistan iyo Somaliya.
Hay’addu waxaa ay sheegtay in 1.6million oo caruur ah ay dhintaan inta aysan dhamaysan bisha ugu horeeysa noloshooda.
In kabadan boqolkiiba siddeetan caruurtan geeriyoota ayaa waxa ay isugu jiraan qaar bilo dhamays aan ahayn,kuwo cuduro aan la garan ku dhaca iyo weliba caabuq sida lagu sheegay warbixinta maanta ay soo saartay UNICEF.
Hase yeeshee warbixinta ayaa lagu sheegay in loogaga hortagi karay geerida caruurta in la helo daryeel caafimaad,nafaqo iyo weliba biyo nadiif ah.
Wadanka Pakistan ayaa 22kii carruur ah ee dhasha uu mid ka mid ah hal bil jirsan,halka wadanka Jamhuriyada Bartamaha Afrika 24kii ilmood ee dhasha uu mid ka mid ah geeriyoodo bisha ugu horeysa.
Sidoo kale wadanka Afghanistan ayaa 25kii caruur ahba uu mid ka mid ah geeriyooday iyadoo wadanka Soomaaliya oo kaalinta afaraad warbixintan ka galay ay 26kii carruur ah ee dhashaba uu mid geeriyoodo bisha ugu horeysa.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim