Queen Margrethe II iyo Prince Henrik |
Boqortooyada Denmark ayaa maanta oo arbaco ah shaacisay geerida Prince Henrik, isaga oo geeriyooday 23:18 kuna geeriyooday qasriga boqortooyada ee Fredensborg Castle.
Henrik ayaa dhashay 11 June sanadkii 1934tii waxaana uu ku dhashay Talence oo u dhow Bordeaux ee dalka Faransiiska, waxaana ay Queen Margrethe II is guursadeen bishii June sanadkii 1967dii.
Queen Margrethe II waxaa la boqray bishii January ee sanadkii 1972, waxaana xiligaas uu sheegay Prince Henrik in uu ka xanaaqsanyahay in jagadiisa Boqortooyada in ay san marna isu badalaynin Boqornimo.
Sanadkii 2017 waxaa laga daaweeyay Pince Henry Xanuunka dementia.
Prince Henry waxaa uu hawlgab noqday sanadkii 2016, waxa uuna sanadihii u dambeeyay noloshiisa sheegay in uusan doonayn in lagu aaso xaaskiisa agteeda isagoona ku sababeeyay in aysan isku mansab haysan boqortooyada.
Lamaanaha boqortooyada ayaa dhaqan ahaan si wada jir ah loogu aasa Roskilde Cathedral, oo ku taal galbeedka Copenhagen.
Warsaxaafadeedka boqortooyada laguma soo sheegin goobta lagu aasi doono Prince Henrik.
Author: Yakub Aden
Twitter: Ibnubotan
Instagram: Ibnubotan
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim