Thursday, February 15, 2018

Madaxweyne cusub oo loo doortay South Afrika


Barlamaanka wadanka koonfur Afrila ayaa Cyril Ramaphosa maanta u doortay madaxweynaha cusub ee dalkaasi hogaamin doona, kadib iscasilaadi shalay ee madaxweynihii hore ee koonfur Afrika Jacob Zuma.


Suuqa koonfur Afrika ayaa boqolkiib afar (4%) kor u kacay hal maalin gudaheed kadib iscasilaadi madaxweyne Jacob Zuma, suuqa ayaanan samayn wax kor u kac ah mudo labo sano ah, maalgaliyayaasha ayaa soo dhaweeyay iscasilaada madaxeynihii hore ee hayay xilka mudo sagaal sanno ah isaga oo lagu eedeeyay in uu maamulkiisu hareeyay musuq-maasuq.

Waa Kuma Ramaphosa.

Ramaphosa waa siyaasi Koonfur Afrikaan ah waxa uuna jira 65 sano ku dhashay Soweto, South Africa sanadkii 1952 bishii November 17.

Ramaphosa waxa uu wax kasoo bartay jaamacada University of Limpopo, iyo University of South Africa sidoo kale waa qoraa buugaagta uu qorayna waxaa ka mid ah Constitutional Law: Analysis and Cases, iyo Organising on the Mines.

Ramaphosa waxaa maanta oo ah 15-2-2-2018 loo doortay madaxweynaha 5aad ee dalka south Africa.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim