Saraakiil ka tirsan dowlada Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence, uu horraantii bishaan aad ugu dhawaaday inuu la kulmo madax ka socotay Kuuriyada Waqooyi ka hor inta aysan xukuumadda Pyongang joojinin kulanka daqiiqaddi ugu danbeysay.
Kulanka ayaa qorsheysnaa inuu dalka Kuuriyada Koofureed ka dhaco 10-kii bishan February, waqtigaas oo ku beegneyd maalin kadib marki ay furmeen ciyaaraha Olimbikada ee ka socoda magaalada Pyeongchang.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa la kulmi lahaa, Kim Yo Jong, oo ah gabadh la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, iyo sidoo kale Kim Yong Nam oo ah madaxa guddiga qaban qaabada xafladaha Kuuriyada Waqooyi.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Heather Nauert, ayaa sheegtay in kulankaasi ay daqiiqaddii ugu danbeysay baajisay dowlada Kuuriyada Waqooyi. Waxay intaasi raacisay in ay ka xun yihiin fashilka fursadaasi.

VOA NEWS
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim