Wafadi uu hogaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalalka midowga Yurub ee uu fadhigiisu yahay dalka Belgium Danjire Cali Saciid Faqi islamarkaasna dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xil-saartay xalinta samata-bixinta Soomaalida ku dhibaateysan dalka Liibiyo,
oo ay wehliso Uqaabil-sanaha Xukuumada Soomaaliya ilaalinta Xaquuqda Tahriibayaasha Maryan Yaasiin ayaa muddo laba maalmood ah ku sugan dalka Liibiya si ay xal ugu helaan loona soo daad-gureeyo Soomaalida ku xabisan dalkaas.
“Soomaalida u soo tahriibtay dalka Liibiya badankooda waxay ku xiranyihiin magaalooyin yarar oo ku baahsan dalka oo dhan. Waan adagtahay in loogu tago meelahaas maadaam aysan dawolad adag ka dhisneyn dalkan. Waana adagtahay in la ogaado tira guud ee halkaan ku dhibaateysan” ayuu yiri Danjire Cali Saciid
Danjire Cali iyo Maryan ayaa ku tilmaamay wax aan laga sheekeyn karin dhibaatada haysata Soomaalida, goob dagaal ayaa lagu tilmaami karaa waxa meeshaan ka socda
''Dadka goobtaas ku sugan maalintii oo dhan waa la garacayaa, qaar ka mid ah garaacida ayeey u dhinteen''
Sidoo kale waxaa jira in qofkiiba dhowr Jeer la iibsanayaa waan adag tahay si ay dadkaas soo gaaraan magaaladan Tripoli.
Inkastoo aan weli si fudud loo wada gaari karin goobaha ay ku kala sugan yihiin Soomaalida, maadaama badankood lagu heysto ama ay ku sugan yihiin deegaano aysan Maamulin Dowlada Liibiya, ayaa hadana waxaa lagu wadaa in Danjire Cali Faqi uu booqdo xarumo isugu jiro xeryo iyo xabsiyo la sheegay in ay ku sugan yihiin dad Soomaaliyeed, sidii uu ugu kuur-geli lahaa xaalada Nololeed oo ay dadkaasi ku sugan yihiin.
Danjire Fiqi ayaa sheegay in arrimaha cajiibka ah ay ka mid ahaayeen in dadka aan soo samata bixino qaarkood in ay wali rajo ka qabaan in dalkan sii joogaan oo sii tahriibaan, ayaga oo indhahooda ku soo arkay dhibaatada meesha ka jirta.
Tiro gaareyso 30 kana mid ah Soomaalida ku dhibaateysan dalka Liibiya ayaa codsaday in dib loogu celiyo dalkooda Hooyo ee Soomaaliya, halka qaar kalena ay sheegeen in aysan xilligaan diyaar u aheyn in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya. Intaa diyaar ka ah ayaa la rajeynayaa in loo qaadi-doono magaalada Moqdisho, maalinta Jimcaha ee bishan Feberaayo 16keeda.
Gabdho badan oo halkaas ku xiran ayaa la sheegayaa in ay uur qaadeen, kana xishoonaya in ay ehelkoodii ku soo laabtaan ayaga oo uur leh.
Wafdigaan ku sugan dalka Liibiya ayaa ugu baaqayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay gacan hiil iyo hooba ka geystaan sidii loo soo samata-bixin lahaa dhallinyada mustaqbalkoodii iyo noloshoodii ay sii baaba’ayso dalka Liibiya.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim