Tuesday, January 9, 2018

Ninkii ugu da'da weyna sucuudiga oo ku geeriyooday 147 sano jir.

Shiikh Cali Al-Alakmi
Shiikh Cali Al-Alakmi oo ahaa 147 sano jir ayaa ahaa shakhsiga ugu da'da weyn dalka sacuudiga isaga oo geeriyooday todobaadkii lasoo dhaafay.


Sheekh Cali ayaa la sheegay in uu cuni jiray khudrada iyo cuntooyinka kale ee dabiiciga ah kuwaas oo ka bixi jiray beertiisa sida galeyda iyo masagada waxa uu sidoo kale cuni jiray malabka iyo hilibka aan joogin wakhti badan, sido kale shiikhu waxa uu nebcaa raacista baabuurta iyadoo hada kahor shiikh cali uu xajka kasoo aaday magaalada uu degenyahay ee Abxa una soo lugeeyay magaalada barakaysan ee Maka-Almukarama oo u jirta fogaan dhan 600KM.

Sheekh cali waxa uu marwalba akhrin jiray Qur'aanka kariimka sida uu sheegay Yaxya oo ka tirsan qoysk Shiikh Cali.

Shiikh Cali waxa uu dhalay wiil dhintay iyo gabar, inta uusan dhiman kahorna waxa uu yiri "Noloshu way quruxbadnayd, balse maanta wax walba waa ay isbadaleen, filkaygii cidna kama noola, waxaan dareemaya cidlo."

Waxa uu Sheekh Cali u geeriyooday dhiig kaga furmay maskaxda.

English version: Alcarabiya


Author: Yakub Aden
Twitter: Ibnubotan 
Instagram: Ibnubotan

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim