Saturday, January 27, 2018

In ka badan 500 million oo dollar oo laga jabsaday shirkad Jabanes ah


Shirkada sarifka lacagaha Cryptocurrency-ga ee Coincheck oo ku taal dalka Jaban ayaa noqonaysa shirkadii ugu horeysay ee lagula koco xatooyo gaaraysa $534 million oo dollar una dhiganta 58 bilyon oo Yen taas oo kala ahayd lacag u dhiganta $422 million oo Nem tokens ah iyo $112 million oo Ripple ah.


Warbixin ay coincheck daabaceen ayaa ay ku sheegen in burcada internetku ay xadeen lacagtaas, iyaga oona wax faahfaahin ah ka bixin sida loo xaday lacagtaas iyo waliba habka ay loo joojiyaya adeegyada shirkada.

waxa ay sido kale sheegen in ay joojiyeen sarifka lacagta NEM Cryptocurrency taas oo sababtay in lacagta NEM ay lumiso 16.5% qiimaheeda, sido kale shirkadu waxa ay jiijisay adeegsiga lacag dhigashada kaararka Internetka wax looga iibsado.

Shirkada ayaa u gudbisay laamaha sharciga iyo qaybta adeegyada maaliyada ee dalka Jaban in ay baaritaan ku sameeyan xatooyada shirkadooda.

Sanadkii 2014 ayay ahayd markii shirkada Mt Gox oo ah mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee sarifka lacagaha laga jabsaday lacag u dhiganta $450 milyon oo Bitcoin ah laga jabsaday iyadoo ahayd wakhtigaas lacagtii ugu badnay oo Crypto-ga xatooyo lagu sameeyo

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim