Wednesday, June 14, 2017

10 qof oo ku geeriyootey weerarkii meherada Boosh ee magaalada muqdisho.

Muqdisho
Kooxda alshabaab ayaa caawa weerar ismiidaamin ah oo ay ku qaadeen maqaayada Posh Treats iyo Pizza House oo aad isgu dhow waxa ay ku dileen dad gaaraya illaa iyo 10 qof.



sidoo kale waxaa goobta ku dhaawacmay tiro intaa ka badan oo lagu dabiibayo isbitaalada magaalada muqdisho.

Weerarkan ayaa dhacay caawo fiidkii kadib markii uu qof isasoo miidaamiyay isku qarxiyay maqaayada Posh treats kadibna ay goobta soo galeen kooxo hubaysan kuwaas oo toogasho ku bilaaabay dadkii rayidka ahaa ee goobta ku sugnaa.

Ciidamada amaanka Muqdisho

Weerarka oo socda mudo saacado ah ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada dawlada Federaalka ah ee soomaaliya kuwaas oo ku guulaystay in ay badbaadiyaan shacabkii goobta ku sugnaa.waxaana ilo ka agdhow goobta weerarku ka dhacay ay sheegayaan in wali hawlgalku socdo iyadoo ay hadda tahay waaberi.

Dadkii goobta ku sugnaa ayaa qaar lala yahay iyadoo la aaminsanyahay in ay gudaha ugu jiraan goobta.


Hadaba weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay noociisa oo ka dhaca Muqdisho bisha barakaysan ee ramadaanta oo caawo maraysa 20 berri.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim