Wednesday, September 9, 2015

Ninka Africa ugu taajirsan Aliko


Aliko Dangote Waa nin 58 jir una dhashay dalka Nayjeeriya (Nigeria) ee ku yaal qaarada Africa. Alika ayaa ah ninka ugu taajirsan qaarada Africa isagoona ah ninka 67aa ee dunida ugu taajirsan, lacagta uu haysto Aliko ayaa lagu qiyaasa in ka badan $21.6 billion.

Aliko ayaa ah maamulaha shirkada Dangote Group.


Aliko waxaa dhalay Aabbe lagu magacaabo Mohamed Dangote iyo hooyo layiraahdo Haji Maria Sanusi Dantata, sido kale Aliko waxaa la dhashay wiil lagu magacaabo Sani dangote.
Aliko Waa xaasle haysta sadex caruur ah oo lakala yiraah Mariya Halima iyo Fatima waxa uuna deganyahay magaalada Lagos ee dalka Nayjeeriya 

Aliko waxa uu haystaa Shahaado Bechalor of arts ee jaamacada Al-Azhar university.

Noloshii hore ee Aliko

Aliko waxa uu ka dhashay qawmiyada xawsaha ee gobolka Kano state ee dalka Nigeria , waxa uuna ka dhashay qoys Muslim ah, xiligii uu dhiganayay dugsiga hoose waxa uu iskuulka ku iibin jiray waxyaalaha macmacaanka ah sida nacnaca iyo xanjada.

Shirkada Dangote

Shirkada Dangote waxa la asaasay sanadkii 1977 waxayna ahay shirkad yar, balse maanta Waa shirkad weyn oo xarumo ku leh wadamo badan sida Benin, Nigeria, Togo, iyo Ghana.
Shirkada Dangote waxay iibisaa waxyaalo badan sida Shamiitada, sonkorta burka iyo badeecoyin kale.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim